CECAFA : Soomaaliya oo barbardhac la gashay Eritrea

79

Xulka Qaranka Soomaliya ayaa ciyaartii galabt barbardhac (0-0) la galay xulka Eritrea.

Soomaliya waxay halkas ka soo heshay hal dhibic. Eritrea ayaa dhankeeda difaacaneysay kaalinta labaad ee group-ka ay ku wada jiran ee A.

Kooxdaas waxaa hoggaamineysa Uganda oo haysta 9 dhibcood, waxaana ku xigta, Eritrea oo leh 7 dhibcood, halka Soomaaliyana ay haysto 5 dhibcood.

Waxaa suuragal ah in kaalintaas ay Soomaaliya u saamaxdo in ay isreeb-reeb kale ciyaarto, waana haddii Jabuuti laga badiyo ciyarta ay galabta la yeelaneyso Uganda.

Xulka Jabuuti haddii ay ku badiyaan goolal badan, waxay xitaa meesha kala bixi karaan Eritrea oo markaas hoos ugu soo dhici karta in kaalinta u baahan isreeb-reebka kale iay soo gasho.

Tartanka koobkan Afrika ee CECAFA, intii uu socday waxay Soomaaliya soo bandhigtay ciyaaro kuwo aad u wanaagsan.

Seddaxdii kalun ee ugu dambeeyay mid ka mid ah ayaa Soomaaliya laga badiyay, Uganda ayaana ku garaacday 2-0.

Kullankii ugu horreeyay waxay xulka Soomaaliya la dheeleen Jabuuti oo barbardhac ay la galeen, Maantana barbardhac kale ayey Eritrea la galeen, waxayna ka soo badiyeen xulka Burundi oo 1-0 ay ugu durduriyeen.