Al-Shabaab oo sheegtay inay dib u qabsadeen Tooratoorow

55

Shalay Gelinkii hore ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANABA waxaa ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha hoose,isla markaana ay si buuxda ula wareegeen Ammnaaka deegaankaas.

Hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen deegaanka Tooratooroow,isla markaana ay la wareegeen kuna sugan yihiin.

Warar ay Al-Shabaaba ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada ay si nabadgelyo ah deegaanka uga baxeen,isla markaana ay iyaga Magaalada lawareegeen.

Majirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan warkaan kasoo baxay Al-Shabaab.