10 waxyaabood oo laga bartay kulankii furitaanka Horyaalka Soomaaliya ee dhexmaray kooxaha Elman iyo Heegan

Kulan xiiso badan ayaa shalay ka dhacay Garoonka Banaadir (Ex Koonis) ee Dagmada C/casiis, waxaana ciyaartan ay ahayd mid furitaan u ah Horyaalka Dalkeena Soomaaliya.

Kooxda Heegan FC ayay shalay u ahayd maalin madow markii lagu lagday 2-0, iyadoo naadiga Elman ay heshay saddexdii dhibcood ugu horreysay Horyaalka dalkeena.

Haddaba 10-kii waxyaabood ee laga bartay kulankii shalay ayaan halkaan hoose ku eegeynaa:-

1– Goolkii ugu horreyay furitaanka Horyaalka waxaa daah furay ama dhaliyey difaaca kooxda Elman Maxamed Cali Xasan (Shiine), waxaana uu aha gool ka yimid koornaha waana koornihii ama gees laadkii ugu horeysay ciyaarta.

2- Jaalihii ugu horreyay garoonka dhaca waxaa qaatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Elman Cabdiqaadir Axmed Omar (Afdheere), sidoo kale kooxda Elman waxaa kaarka digniinta ah ka qaatay daafaca lagu magacaabo Ssebuliba Abdelnoor iyo goolhaya isla kooxdan Luyima Sulati, saddexdaas jaalo ayaa shalay baxday kooxda Elman ayaana qaadatay saddexda Jaale.

3- Kabtanka Kooxda Heegan FC Jabriil Xasan Fariid ayaa qaatay casaankii ugu horeyay horyaalkaan hadda bilowga ah ciyaarta oo dhamaad ah.

4- Bedelkii ugu horreyay ee Garoonka ka dhaca waxaa sameysay Naadiga Heegan FC qeybtii dambe, waxana ciyaarta badal lugu saaray daafaca Mahad Maxamed Xaaji (Meykon), waxana soo galay xiddiga khadka dhexe Siidii Maxamed Cumar, sidoo kale ciyaarta waxaa laga saaray C/risaaq Zalatan, waxaana lagu badalay Cabdiraxmaan Muudey iyo Mahad saha ayaa ciyaarta ka baxay waxaana soo galay Yaasiin Indha Boojo, Heegan ayaa sidaas ku sameysay sadaxdii badal ciyaarta.

5- Kooxda Elman aya badalkiidii ugu horreysay ciyaara sameysay waxeyna badashay Zambawi waxaana lagu badalay laacibkii hore ee kooxda Jeenyo ciyaaryahan Xamse, sidoo kale waxaa badal ku baxay Cabdiqaadir Axmed Cumar ( Afdheere) iyadoo ciyaarta waxaa la soo galiyey Agoogow, waxaana baxay laacibka Nayanzi Ronaldo, sidaa ayey ku isticmaashay kooxda Elman saddaxdii badal ee ciyaarta.

6- Kooxda Elman ayaa heshay saddex Koorno mid way dhalisay mid kalena birta ayey ku dhufatay, halka kan kale uusan dhaafin xirada ganaaxa.

7- Heegan ayaa heshay labo koorno intii ay ciyaartu socotay laakiin ma aaysan sameyn wax gool loo filan karo.

8- Kooxda Elman lagama badin kulanka Furitaanka Horyaalka dalkeena, Taariikhda ayaana xuseysa kooxdan shaleyna way badisay waxaa lagu xusuustaa sanadkii 2015-kii waxay nasiib u yeelatay in lagu furo Horyaalka xilli markaas la ciyaareysay kooxda Horseed waxeyna ugu badisay 2-0.

9- Kooxda Elman ayaa sameysay saddex isku day gool, intii ciyaartu socotay,  labo way dhalisay halka halna birta ayeyna birta ku dhufatay.

10- Kooxda Ciidanka Booliska ee Heegan FC ayaa heshay ilaa shan fursadood oo loo filan karay goolal, balse uma suura galin inay shabaqa kooxda Elman tagaan, xitaa goolhayaha kooxda Elman kubadda kuma aysan aadin, shalay kooxdan ayay u ahayd maalin madow.

Garsoorayasha ciyaarta:-

Garsooraha ciyaarta dhax-dhaxaadinaaye waa Maxamed Soomaali, calan wadaha koowaad  ee ciyaarta wuxuu ahaa Mahad Cali Maxamuud, halka calan hayaha labaad uu ahaa Aweys Cabdulaahi Sheekh, sarkaalka afaraad ee ciyaarta ayaana ahaa Siyaad Cali Xuseen.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in shalay Garsoorayaasha ay markii ugu horreysay u adeegseen horyaalka Soomaaliya qalabka isgaarsiinta oo ay garsoorayaashu iskula xiriiraan.

img_0292-1 img_0233-1