Xogahayaha Q.M oo soo dhaweeyay Go’aanka laga soo saaray Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Soomaliya

Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Ban ki-mon ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqidda jadwalka doorashada sanadkan 2016ka, taasoo ay ku caddahay in doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso dhammaadka bisha ocktoober ee sanadkan.

“Geedi socodka doorashada 2016ka ee Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay safarka dheer oo ay Somaaliya ku gaarayso dimuqraadiyadaa” sida lagu sheegay warbixinta Xafiiska afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u jeediyay Gudiga doorashada inay hubiyaan seddex meelood mel in kuraasta Baarlamaanka ay heleen haweenka, isagoo oo dhinaca kale uga digay dhammaan dhinacyada siyaasiyiinta talaaba kasta oo keeni karta dib u dhac.

Gudiga hirgelinta doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada ee Dalka, kaasi oo sheegaya in doorashada Baarlamaanka ay dhaceyso 24-September ilaa 10-oktoobar, halka tan Madaxweynaha la dooranayo 30- Oktoober.

Hogaamiyayaasha madasha wada tashiga qaran oo shir uga socday Magaalada Muqdisho ayaa shalay meelmariyay jad-walka doorshada oo ay horay ugu dhawaaqeen gudiga hirgelinta doorashada.

Hogaamiyayaasha madasha wadatashiga qaran ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulmaan horraanta bisha soo socota ee September sida ku cad war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii madasha ee shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho .