19 ruux Mindi lagu dilay dalka Japan

Nin dhalinyaro oo u dhashay dalka Japan ayaa mindi ku dilay 19 ruux meel ka baxsan magaalada Tokyo, gaar ahaan xarun lagu xanaaneeyo dadka curyaanka ah.

Weerarkan oo ka dhacay xarun lagu magacaabo Tsukui Yamayuri En ayaa ah kii ugu xumaa ee soo mara dalka Japan, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Satoshi Uematsu oo 26 jir ah ayaa la xiray kadib markii uu dilka u geystay 19-ka ruux, isla makaana dhaawacay 26 kale.

Booliska ayaa sheegay in ninka ka dambeeyay weerarkan uu horay uga shaqeynayay xarunta lagu xanaaneeyo dadka curyaaminta.

Ninkan ayaa sheegay inuu doonayay inuu adduunka dhaafiyo dadka aan lixaadkooda dhammeyn ee curyaamiinta, taasoo ka yaabisay Booliska.