Fashilka maxaa Fagaaraha keenay ?

72

Dadlka Soomaaliyeed marka ay arkaan cinwaanka qormadan waxaa laga yaabaa in ay soo xusuustaan jiritaanka waayaha Jamhuuriyada Soomaalida ama taariikh hore, hase ahaate ujeedada ama gundhiga faaladan waxaa ay ka hadleysaa dowladan wakhtigeedu dhamaaday ee la soo dhisey bishii August 2012.

Inkastoo hoggaankii dowladii ku-meelgaarka aheyd iyo dhamaanba Siyaasiyiinta Soomaalida ay awooda isugu geeyeen sidii mar un loo heli lahaa dowlad rasmi oo soo celisa sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed ay ku lahaan jirtey dunida, si looga baxo dhibaatadii soo bilaabatey 1990 ka dib markii jabhado hubeysan ay meesha ka saareen dowladii kacaanka.

10 September 2012 waxaa la doortey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo baarlamaankii wax dooranayay hortood ka balan qaadey Qorshe la magac baxay Lixda tiir, inkastoo mudanayaasha baarlamaanka ay ku qanceen, shacabka Soomaaliyeedna ay aad u soo dhoweeyeen Qorshaha lixda tiir ee Madaxweyne Xasan, hadaba maxaa dhacay ?

Madaxweyne Xasan waxaa markii la doortay kadib waxaa uu Ra’iisul Wasaare u soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo isna soo magacaabey Golihiisa Wasiirada oo ka koobnaa 10 Wasiir oo kaliya, lugana tilmaamey Wasiiro tiro yar oo tayo leh, sanad markii ay shaqeynayeen waxaa lagu abaabuley siyaasiyiin xildoon ah iyo danley iyo dad aan wadaniyiin aheyn, iyadoo aaney jirin wax eed ah oo loo hayey Xukuumadaas, buuq iyo mooshin kadib sidaas ayaana meesha looga saarey Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Xukuumadiisa, xitaa inuu is difaaco oo uu baarlamaanka hortago looba diidey.

Ra’iisul Wasaarihii xigey ee Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xukuumadiisa markii ay heleen codka kalsoonida Baarlamaaka waxaa ay u kala qeybsameen labo qeybood oo kala ah qeyb laga xukumo madaxtooyada iyo qeyb laga xukumo xafiiska Ra’iisul wasaaraha taasi oo keentey in si daacad ah loo shaqeyn waayo, kadibna waxaa bilowdey buuq la mid ah kii lagu furey Ra’iisul Wasaarihii isaga ka horeeyey, waxaa howl galey sedax qeybood ee aan kor ku soo sheegey ee kala ahaa, siyaasiyiin xildoon ah, danley iyo calooshood u shaqeystiyaal aan wadaniyiin aheyn oo ka shaqeeyey amaba diyaariyey mooshinkii lagu ridi lahaa Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyadoo qeyb ka mid Wasiiradii xitaa lagu qanciyey in ay is casilaan, lana soo celin doono hadii ay is casilaan.

Maadaama ay aad u adkeyd qaabkii loo ridey Xukuumada Abdiweli Sheekh Axmed, oo in ka badan 80 xildhibaan ay diiddeen hadana xildhibaanada u soo xaadirey shirka waxay ahayeen 192 dabeedna waxaa dhacay 112 oo haa ah iyo 80 maya ah. intaas kadib markii laga takhalusay Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Abdweli.

Madaxweyne Xasan Waxaa uu soo magacaabey Ra’iisul Wasaare aan ku cusbeyn shaqada lagu xusuusto xiliyadii 2000 iyo 2010 ee dowladii ku meel gaarka aheyd, aaminsana inaan Soomaaliya waxba laga qaban karin. Isla markiiba Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Waxaa uu soo magacaabey Gole Wasiiro ah oo aan yareyn oo dabeecad ka dhigtey shirar khamiis leh oo aan wax danta dalka ku jira loogaba arinsanayaan, iyadoo la og yahay ay sugan tahay Jamhuuriyada Soomaalida dhan walba. Waxaa dadka Soomaaliyeed ee marwalba ay dhegeystaan ama ay akhristaan war-saxaafadeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadley tusaale, isbedel ka cimilada aduunka, maalita cayayaanka, duufaanta ILNINO, sharciga iskaashatooyinka, Iran oo xiriirka loo jarey, Sweden oo lagu eedeyey in ay sucuudiga ka gardaran tahay, Russia oo Ukraine ku xadgudubtey, AMISOM in wakhtiga loo kordhiyo, dhiirigelinta federal, kala goynta gobalada, soo.celinta qaxootiga nabad la’aanta dalka uga cararey, cambaareyn qarax dhacay iyo kaalmo weydiisasho dowlado shisheeye, Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa ku dhawaaqay in aysan dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo cod, taasoo aheyd mid mar qudha niyad jebisay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa aas aasay Madal wada tashi oo loogu magac daran Madasha Wada-Tashiga Hoggaamiyeyaasha qaran, kuwaasoo noqday kuwa ay ka go’da talada dalka, go’aaminaya masiirka umadeed, shirar badan kadib ayaa soo saareen go’aano shaki gelinayay jiritaanka umadeed, illaa la gaaray heer xuquuqdii Gobolka Banaadir oo ah Caasimada dalka la inkiro,

Go’aamadaas waxay noqdeen kuwo u cuntami waayay shacabka, waxaana Baarlamaanka uu noqday awooda kaliya ee is hor-taagay in Caasimada Muqdisho xubno ka heli waayo aqalka sare, taasoo lagu tilmaamay mid dhaawaceysa qaranimada, isla markaana xadgudub ku ah umad dhan jiritaankeeda, Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dhiidhiyay go’aamadaas, ficilo adagna uga soo hor-jeestay.

Inkastoo lagu kalsoonaan waayey baarlamaanka wakhtigiisu sii dhamaanayo, ayaa madaxweyne Xasan wuxuu soo saarey warqad heer madaxweyne oo uu ku meel marinayo go’aankii hogaamiyaasha federalka oo uu isaguna ka mid yahay, taasi oo dad badan ka yaabisey qaabka loo dhigey ama wadada loo marey aayaha dalka. Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay og yihiin balan qaad kii Madaxweyne Xasan Sheekh ee lixdii tiir iyo xaalkooda meesha uu maray ama uu marayo, hadana waxaa soo baxdey in Mudane Xasan Sheekh Maxmuud uu yahay Musharax Madaxweynaha Dalka Markale, uuna la hor imaan doono Baarlamaanka cusub hortiisa lix tiir oo kale kana duwan kuwii hore September 2016 ilaa 2020.

W/Q. Maxamed Cali Axmed