Muqdishadii maqneyd maanta waa muuqataa

90

Toban sanno ka hor Marka magaalada Muqdishu la soo hadal qaato qofka waxaa indhahiisa hor imaanayey magaalo burbursan oo qeyrkeed ka hartay xilli kastana magan u ah dhiig ku daaada oo dillkana ka ahaa mid dhaca xilli kasta balse,

manta intaa oo dhan waa ay ka soo kabsaneysaa oo waa magaalo horumar iyo hiigso la saxiib oo ay ka jirto ifafaalo badan oo dhinackasta ah waxaana manta maqaalkaan aan wax badan kaga hadli doonaa sida muqdishu ay juhdi ugu gashay in ay soo muqato.

 

Afartii sanno ee ugu dambeysay magaalada waxa ay heysay wadadii horumarka iyada oo ay ka jireen mashaariic badan oo dib loogu dhisaayey kaabayaasha dhaqaale oo ah aasaaska ugu horeeya nolosha.

Dekada caalamiga ee magaalada Muqdishu oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalo kasoo gala ayaa noqotay mid camiran oo mashquul badan waxaana ka jira howlo badan iyada oo ay dekada gacanta ay ku heyso hey’d laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Albeyk taas oo wax badan ku soo kordhisay Dekada caalamiga ee magaalada Muqdishu kana yeeshay mid nidaam ahaan la jaan qaadi karta Dekadaha caalamiga ee gobolka ka jira.

 

Si taa la mid ayaa Garoonka  magaalada Muqdishu ee Adan Cabdule la dhihi karaa waxa uu ka qeyb yahay bilicda magaalada soo kabashada ku jirta iyada dhawaan la hirgeliyey Terminal cusub oo ay shirkada Turkiga ee Safori oo gacanta ku heysaa Airporka ay hirgelisay kaas oo muuqaal qurux badan leh lana dhihi karo waxaa uu ka marqaati kacayaa kabsashada ay magaalada Muqdishu ku jirto.

 

Waxaa magaalada ka hana qaaday dhismooyin casri oo gaar loo leeyahay iyada soomaalida Qurbojoogto ah ay dalka dib ugu soo laabanayaan oo ay maalgeshi xoog leh ay ku sameysanayaan ganacsiga noocyadiisa kala duwan waxaa magaalada ka hirgelay Hoteelo badan oo nooca 5 star loo yaqaan ah oo qurbojoog badan ay maalgeshteen sidooo kale ganacsiga noocyadiisa kala duwan ayaa ah mid hanaqaad wanaagsan uu ka muuqdo iyada ganacsatada ay heystaan fursado maalgashi oo ay sameeyaan Bankiyada Salaama Soomali Bank SSBiyo Bankiga caalamiga ah ee Soomaaliya IBS Bankiyadaan ayaa siiya ganacsatada maalgeshi kaas oo uu la imaanayo ganacsadaha hadafkiisa ganacsi loona maalgelinaayo isla markaana uu 30% uu iska bixinayo inta hartayna uu si qorsheysan uu isaga bixiyo tani ayaa noqotay mida dhiiragelisay in ganacsiga dhinac badan uu ka hirgelo oo laga faa’ideysto maalgashigaan ay bixiyaan Bankiyada Salaam Somali Bank iyo Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya IBS.

muqdisho.

Magadishu iyo maanta 2016

Dhismooyin badan oo dowlada leedahay ayaa dib loo dayactiray oo loo howlgeliyey iyadoo wasaaradaha dowlada ay inta badan dib ugu laabteen dhismooyinkii ay hore u lahaayeen tani ayaa ka yeeshay in si sahlan shacabka ay ula xariiri karaan wasaaradaha dowlada oo afar sano ka hor ku shaqeyn jiray gudaha madaxtooyada qaranka.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa la dhihi karaa waxaa si weyn u xajiyey doorkii uu ku lahaa magaalada iyada oo ay howlgelisay shaqalo badan oo dhinacyo kala duwan ka shaqeeya iyada dib loo soo celiyey xafiiskii diiwaan gelinka muwaadiniinta oo ah kan ugu mashquulka badan oo muwaadaniinta ay ka qaataan warqada aqoonsiga oo ah tan ugu horeysa ee lagu weydiinayo marka aad rabtid in aad qaadato Baasaboorka Dowlada ee E_Passport kaas oo aqoonsi badan caalamka ka helay.

 

Marka aad magaalada dhex socota ayaa ay indhahaaga qabanayaan mashaariic badan oo dowlado badan ay ka wadaan magaalada haba ugu badnaato Dowlada Turkiga oo manta taariikhda dalka Soomaaliya baal dahab ka galay.

 

Dhismooyinka cusub ee ka jira magaalada ayaa noqday kuwa shaqaalo badan oo xoogooda ku shaqeysta  fursad siisay oo nolosha qoysaskooda ku maareeyaan waxayna indhahaada qabanayaan shaqaalo badan oo mashquul ku ah shaqo maalmeedkooda waana mida aniga aad ii farxad gelisay.

 

Waxaase jirtay arrin  aniga aad ii cajab gelisay  oo aheyd in weli uu dalka ka jira dhaqamadii kacaanka laga dhaxgalay kaa oo ah in haweenka ay yihiin kuwa ugu badan ee u soo banbaxo marka uu jira isu soo bax kuwaa oo astaamo kala duwan isku soo xardho mar aan horaantii bishii Maajo (MAY) ee sanadkaan aanmagaalada Muqdishu aan howlo shaqo u tagay ayaa taalada DALJIRKA DAHSOON uu ka jiray isku soo bax uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir kaa lagu muujinayaa sida looga xun yahay in gobolka banaadir uu door ku yeelan waayey aqalka sare ee dalka loo sameynaya waxa kaliya ee ay indhaheyga qabanayeen waxa ay ahaayen haween badan oo hadba dhinac u bodayey oo qeylinayey waxaana durbadiiba igu soo dhacday Dowladii Kacaanka oo awooda haweenka aheyd cudadeeda ugu horesay ee ay ku faaneysay waxayse waxaan oo dhan ay isugu soo biya shubanayaan in weli garashada ay maqan tahay “NAAGTAADA KEEN HA NIIKISEE NINKII HORAA LAGU NACAY”.

 

Nabada oo noqotay tan ugu horeysay ee ay dowlada ka hadasha mar kasta ayaa ka yeeshay in Dowlado badan oo caalamka ah ay dalka ka furmaan safaarado haba ugu badnaatee kuwa reer galbeedka oo markaan indhahooda ku soo duway magaalada Muqdishu iyadoo dadka naqdiya siyaasada Dowlada ay kuu sheegayaan in ay gef ay ku aheyd qarankaan tukabayo in Dowladaha Imaaradka Carabta iyo Turikiga ay safaarado ka dhigtaan dhul weyn oo ku teedsan Xeebta Liida ee badweynta Hindiya waxayna arrinkaan u cuskanayaan in dalka uusan laheyn ciidamada ilaalada xeebaha oo si buuxda u koontarooli kara Xeebta  waxay dadkaas cabsi weyn ka muujiyaan in si sahlan waxa ay doonaan dalka u soo geli karaan wadamadaan xeebta ka dhistay dhismooyinka balse waxaa jira dad kale oo arrinkaan marka aad kala hadasho ku oranayo in Turkiga uu u qalmay in tani lagu abaalmariyo ileyn TAARIIKH LAMA ILAAWAAN TURKIGAA INOO GALAY.

 

Si kasta hormarka muuqda ee Muqdishu manta ka jira ayaa ah mid aan cidna dafiri Karin waa bidhaan soo muuqatay waxayna tani marag kac cad u tahay in Muqdishadii Maqneyd ay maanta muuqato.

 

WQ: Xaali Xassan Xaalkoos

xaalkoos@hotmail.com