MAQAAL: Caabudwaaq Waa Geed Nabadeed Uma Baahna In Been Laga Faafiyo!!!

113

Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud Waxaa lagu tilmaama Magaaladda Ugu weyn uguna dadka badan. Maalmihi la soo dhaafay baraha bulshadda iyo warbaahinaha ka soo horjeeda nabad iyo amaanka Magaalada Caabudwaaq ku naaloonayso waxay faafinayeen arrimo been abuur ah oo ku saabsan xaaladda degmadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Xaqiiqdii ma jirto wax colaad ah oo ka jirtaa degmadda Caabudwaaq ama amaan xumo ahi,waxaana hadda tahay magaalooyinka ugu amaanka badan gobolka Galgaduud, Waa Jiri jireen in gudaha Magaalada Caabudwaaq qof ama labo lagu dilo balse dadkeedu waxay ku dadaalaan sidii aysan wax dambe u dhicin oo dhiig badan ku daato taana waa ku guuleysteen.

Waxaa jira dad badan oo sheegta saxafiiyiin balse aan aqoon xeerka saxafadda iyo qawaaniinteeda,waxaana ay warbaahinaha iyo baraha Bulshada (Social Media) ku faafinayeen in xiisado colaadeed ka jiran degmadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta  oo u taagan faafinta wanaaga iyo shacabka Caabudwaaq waxay idin xaqiijineysaa inaysan Magaalada Caabudwaaq wax amaan darro ahi ka jirin isla markaasna shacabka Caabudwaaq ay nabad ku nool yihiin isla markaasna aysan wararkaas dadka qaarkood faafinayaan aysan waxba ka ogeyn.

Ugu dambeyntii waxaa xaqiiqo ah in dhibaatooyin lid ku ah degmadda Caabudwaaq iyo guud ahaan gobolka Galgaduud laga abaabulo Magalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay ku sugan yihiin kuwo iska soo horjeeda kuwaasi oo doonaya inay mugdi galiyaan iftiinka degaanada  nabadda ah ee gobolka Galgaduud.