Daawo Sawirro: Madaxweynaha Jubaland iyo ku xigeenkiisii hore Fartaag oo Maanta Kismaayo lagu soo dhaweeyay

100

Madaxweyne dowladda Jubaland ayaa maanta dib ogu soo laabtay magaalada Kismaayo ee ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland,

Madaxweynaha dowlada Jubaland Mudane.Axmed Maxamed Islaam ayaa safarkan uu maanta dib ugu soo labatay magaalada kismaayo waxaa ku wahelinayay  xubno kamid ah labada gole ee dowlada Jubaland oo u kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka mudane Cabdi Maxamed Cabdi Raxmaan waxaa sidoo kale wafdigan kamid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubaland Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag,

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed  oo ka qeyb galay shirkii madasha Qaran ee lagu soo gabagabeeyey magalada Muqdisho ayaa markuu soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxuu lahadlay saxaafadda isagoona kahadlay arimaha siyaasadda ee dalka iyo shirkii magaalada Muqdisho loogu qabtay dhismaha xildhibaanada dowlada dhexe iyo arimo kale,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka kudhuftay in dalka laga dareemayo biseyl siyaasadeed taasoo kaliftay in madaxda dowlada dhexe iyo madaxda dowlad goboleedyada ay la imaadaan tanaasulaad badan,

Madaxweynaha ayaa intaasi kudaray in dadka Jubaland ee uu matalayay in waxii ay xaq u lahaayeen la heli doono, waxa dadkale ay leeyihiina aysan Jubaland qaadan doonin,

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamaanka dowlada dhexe ee la soo dhisi doono ay xildhibaan walba waajib ku tahay in labo sano gudahood uu xisbi kubiiro haddii kale kursigiisa uu waayi doono sida ku qoran warmurtiyeedkii shirka laga soo saaray.

 

2 3 4 5 6 7 vlcsnap-2016-08-10-07h32m09s22-640x360