Daawo Sawirro: Sida Madaxweynaha loogu soo dhaweeyay Magaalada Jig Jiga

163

Maxaweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha, ayaa Waxaa garoonka diyaarada Jigjiga ku soo dhaweeyay madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Qodobada ugu muhiimsan ee la isku soo hadal qaani doono ay ugu waaweynyihiin iskaashiga dhinacyada Ammaanka, Ganacsiga, Waxbarashada, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta Xiriirka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

1s 2s 3s 4s 20160810_124323-1200x400-640x213 received_10154435647581663-720x400