Danjiraha Soomaaliya Ee Ruushka Oo Laga Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga

90

Wakiilka gaarka ah ee madaxtooyada Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ahna wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee waddankaas Mikhail Bogdanov, ayaa la kulmay danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya ay u magacowday dalka Ruushka Mudane Abdullahi Mohamed Warsame, isagoo ku wareejiyay warqadihiisa aqoonsiga.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay suurta galnimada horumar dheeraad ah oo lagu sameeyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan, ayaga oo xaqiijiyay in labada dhinac ay sare u qaadaan iskaashiga ka dhaxeeya ee arrimaha siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

danjire Warsame iyo Mr Bogdanov, ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha ugu waaweyn qaaradda Afrika, ayagoo diiradda saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xaaladaha ka jira geeska Afrika.