Maqaamka Muqdisho maxuu noqon doonaa? (Q 2aad)

129

Sidaaan ku soo xusnay qormadi koowaad, war-murtiyeedki ka soo baxay shirkii ugu dambeeyay ee madasha qaranka laguma xusin waxa uu noqonayo maqaamka caasimadda Soomaalia ee Muqdisho/Banaadir. Maadaama horay loo saaray guddi ka soo tala bixiya arimahan, muddadi loo qabtayna la gaaray, waxay dad badan filayeen in war rasmi ah laga soo saaro, hase ahaatee taas ma dhicin, balse qoraal kooban oo uu barta twitterka soo dhiigay afhayenka madaxtooyada Daud Aweys ayuu ku sheegay in madaxda madasha qaranka ku heshiiyeen maqaamka Muqdisho, kamana bixinin wax faahfaahin ah . Qoraalka ayaa sidan u qornaa:“Madasha hogaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedada oo isku raacay matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare”

 
Su’aalaha la isweydiinayo waxaa ka mid ah:

 
1.Maxaan ku fasiri karnaa hadallkan afhayenka madaxtooyada sida gaarka ah u shaacisay?

 
2.Maxaa sida taxaddarka leh loogu qoray oo faahfaahin looga bixin waayay?

 
3.Hadii lagu heshiiyay maqaamka Muqdisho sida uu sheegay afhayenka, maxaa loogu dari waayay warmurtiyeedka, ileen waa lala socdaa inay tahay arin dhegta loo wada taago, guud ahaan shacabka soomaaliyeed?

 
4. Ma loo fahmi karaa In wax lagu heshiiyay, balse laga gaabsaday in la shaaciyo, sababo la xiriira baqdin laga qabo buuq iyo sawaxan dhinacyada qaar?

 
5.Ma laga yaabaa in lagu heshiin waayay, loona dib dhigay xilli kale, oo markaas lagu heshiiyay inaan la shaacinin in lagu heshiin waayay, oo markaas ma doorashaaba dhici karta, sow albaabadi oo soo xirmay ma aha, mase la qarin karaa?

 
6.Maxaa dhici kara hadiba ay dhacdo in matalaada Muqdisho lagu saleeyo wax ka sokeeya Soomaaliweyn, qeyb cayiman oo ka mid ah bulshada soomaaliyeed, amaba qabiil gaar ah?

 
7.Sideebaa muwaadinka Soomaaliyed ee ku nool Raascasayr amaba Raaskambooni loogu qancin doonaa Muqdishaa caasimad kuu ah?

 
8.Marka laga hadlayo maqaamka Muqdisho, ma wax ku kooban baa matalaada aqalka sare, mise waa qadiyad intaa ka guda weyn, toosna u taabateysa masiirka shakhsi kastoo soomaaliyeed?

 

 

Dhanka kale dad baa is weydiinaya:
9.Maxay tahay matalaada iyo maqaamka ka maqan Muqdisho mar haday matasho qaranki soomaliyeed, mar haday tahay albaabki laga soo galayay dalka, sidoo kalana hoy u yahay dhammaan xafiisyada dowladda dhexe, safaaradaha iyo xafiisyada beesha caalamkana? Maxuu yahay maqaamka iyo mataalada intaa ka weyn ee ay Muqdsho radineyso? Dadka ku dhaqanse ma ogol yihiin in caasimadda meel kale loo raro?

——————————————————-

Tan iyo maalinkii la arkay xorriyad iyo qaran soomaaliyeed Muqdisho waxay ahayd caasimadda umadda soomaaliyed, in maanta laga hadlo maqaamkeedana waxaa keenay, ugu horeyn Dagaalki sokeeye: Dad badan oo lagu qiyaasay 33% ayaa magalada ka qaxay xilligi ay socdeen dagaaladi sokeeye. Wixii ka dambeeyay xilligaas Muqdisho waxay yeelatay muuqaal iyo weji ka duwan kii horay loogu yaqiinay.
Federaal: Intaa ka dib soomaalida waxay ku heshiisay nidaam federaal ah, kaasoo isagana waajibiyay in laga hadlo maqaamka caasimadda.

“Qodobka 9aad. Magaalo-madaxda Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Magaala Maxdaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Muqadishu. Maqaamka magaalomadaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

Waxaa arinka uga sii daray ka dib markii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka soomaaliyeed ay ku dhawaaqeen in Muqdisho tahay magaalo beel gaar ah leedahay.
Dammaan arimahan waxay muujinayaan in qadiyadda ca0asimadda Soomaaliya ka culustahay sida la moodayo: Dadkii ka qaxay magaalada qaarbaa ka cabanaya in hantidooda la haysto welina idaacadaha ka hadla, waxaa jira qaar kaloo ka niyad goostay Muqdisho oo meela kale xaarxaartay. Sidoo kale waxaa jira qaar aaminsan fikrad cusub oo ah in caasimadda qaranka loo wareejiyo meel kale, sida Hargeysa amaba Garowe iwm.

Saddexdaas qolaba waxay u baahan yihiin in la tuso ficil muuqda oo aan hadal ahayn, si loogu qanciyo, una aaminaan in Muqdisho tahay caasimaddi qaranka soomaaliyeed.

Odayaasha sheegtay in magaalada beeshooda leedahay laftirkooda waxay leeyihiin cudurdaar, oo waxaan dhihi karnaa waxay ku jaha wareereen nidaamkan federaalka oo ah nidaam nagu cusub, iyaga laftirkooda waxay u baahan yihiin in laga dhaadhiciyo in caasimadda dalka aysan beel yeelan karin.

Guud ahaan arimahan waxaa lagu xaqiijin karaan dib u heshiisiin dhab ah oo laga hirgeliyo caasimadda qaranka, sida in hantidooda loo celiyo dadka hantida laga haysto, in matalaada iyo maamulka magaalada soomaalida ka wada dhexmuuqato, si ka duwan sida ay hadda tahay!

Waxaa qoray Bishar Haji
Wixii talo iyo tuaalo ah kala xiriir cinwaankan: b.haji114@hotmail.com