Daawo: Quruxda Magaalada Caabduwaaq ee Gobolka Galgaduud

246

Caabdu-waaq waa magaalo ku taal gobalad dhexe ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka galgaduud. Waa magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimisan somaliya.

JUQRAAFI

Magaalada Caabudwaaq waxay dhacdaa dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud, galbeed wadada dheer ee isku xirta gobolada koonfureed iyo waqooyi ee Soomaaliya.

Dhanka koonfureed magaalada ugu wayn ee Caabduwaaq ugu dhow waa magaalada Baladwayne. Dhanka waqooyi magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dhow. Magaalada Caabudwaaq koonfur, galbeed iyo waqooyi waxaa kaga teedsan magaalooyinka Balanbal, Dhuusamareeb iyo Ceelbuur. cadaado oo ah degmada ugu dhaw.

Maamulka Degmada Caabud-waaq

Kadib dagaaladi dhexe ee Soomaliya waxaa inta badan magaalada Caabudwaq ka amrin jiray Culuma’u diinka ahlusunna waljam’ea. Sanadka 2015ka ayaa waxaa Magaalada Cadaado lagu dhisay Maamul lagu magacabay Galmudug taasi oo ka kooban Gobollada Galgaduud Iyo Mudug waxaana Waqooyiga Gobolka Galgaduud u matalo Maamulka Galmudug Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkasi Maxamed Cabdi Xashi ‘Carabey’.

Caabudwaaq waxaa soo maray marxalado iyo heerar kala duwan waxaana bulshada Caabudwaaq ay aad u xasuustaan waayihii Cagabararka oo bilowday berigii qaxa iyo barakac ka dhacay magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Ganacsiga iyo Dhaqaalaha:

Sanadadii Cagababarka 1992-1995 waxaa ay Caabudwaaq noqotay goob amaan isla markaana noqotay xarunta ganacsiga iyo kala gediska gaadiidka shixnadaha ganacsiga sida kuwa waqooyi ka yimid iyo kuwo koonfur ka yimid oo iyagu markaa aan xor u aheyn inay toos isugu gudbaan. Magaalo kale oo markaas xaqdhowrtay ganacsigaas ma jirin; dhanka waqooyi iyo dhanka koonfureed toona.

Magaalooyinka kale ee koonfurta wadanka sanadadaas waxay ahaayeen goobo dadka lagu xasuuqo amni daro aad u darana ka jirtay.

Waxbarashada: 
Caabudwaaq dugsiyadeeda waxaa taageera labada urur ee Soomaaliya oo dhan caanka ka ah HIRDA iyo IQRA. Dugsiyo hoose dhexe, sare iyo xarumo bixiya waaxbarashada dadka waaweyn .

Urur la yiraah Badbaadada ayaa wuxuu gacanta ku hayaa xarunta ugu balaaran ee waxbarashada dadka waaweyn.

Sanadki 2015ka biloowgeda aya waxa si rasmi eh Magalada Caabudwaq looga furay Jaamacada Galgaduud taasi oo dhaqaalo fara badan loogaga aruuriyay wadamada reer galbeedka oo eey ku sugan yihin qurbajoog badan oo u dhashay deeganka caabudwaq.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada 

14479799_1061442687302414_9188423097895178524_n 14563554_1061449350635081_5430210512454560368_n-768x512 14572142_1061444827302200_294070199524329109_n-768x512 14600961_1061449027301780_922965445593378007_n-768x512 14606351_1061448087301874_460921642801368612_n-768x512 14632912_1061441927302490_8599822940064944728_n-768x512 14632982_1061441557302527_4631687331235027383_n-768x512 14632982_1061451240634892_5749591463560251855_n-768x512 14642004_1061449503968399_1602260692355851781_n-768x512 14650090_1061444237302259_5489098519871827804_n-768x512 14650192_1061444270635589_5683305846906202861_n-768x512 14650223_1061442557302427_8136441020615877683_n-768x512 14650315_1061445367302146_1375424292512046818_n-768x512 14650532_1061442407302442_6275766836573405834_n 14666324_1061441590635857_7768640559818089199_n-768x512 14670830_1061441923969157_5415477877954677923_n-768x512 14670837_1061442257302457_4068303155560446747_n-768x512 14680504_1061450313968318_3751044595941907807_n-768x512 14695422_1061478893965460_8856409249426068051_n-768x512 14702386_1061443510635665_454859464845452705_n-768x512 14702497_1061447543968595_634998427167346155_n-768x512 14708139_1061445170635499_7393461141032675623_n-768x512