FAALLO:- Nus Qarni kadib Soomaaliya oo Doorasho ka qabsoontay

78

Soomaaliya markii ay Xorriyadda qaadatay, islamarkaana la isku daray Gobolada Waqoooyi iyo Koonfurta oo ay kala Gumeysan jireen Wadamada Ingiriiska iyo Talyaaniga 1-dii bishii Luuliyo 1960-kii, ayaa waxaa loo baahaday in la sameeyo heykal siyaasadeed oo ka kooban Xukuumad iyo Barlaamaan, kuwaasi oo u arrimiya Ummdda ka soo baxday gumeysi, una baxdo qaab Dowladnimo oo ay Soomaalidu leedahay.

Intaasi kadib waxaa la isku daray 2-dii Barlamaan ee ka kala dhisnaa Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya oo kala ahaa 33 xubnood oo ka socday Gobolada Waqooyi iyo 90 xubin oo ka socotay Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu aasa aasay Barlamaankii ugu horreeyay ee ay yeelato Soomaaliya, waxaana la doortay Guddoomiye KMG ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku meel gaarka ah.

Markii intaasi la sameeyay ayaa waxaa la shaaciyay in la abuuro Xisbiyo Siyaasadeed, kuwaasi oo u kala tartama Kuraasta Baarlamaanka iyo tan Madaxweyninimo, waxayna doorashooyinkaasi bilowdeen sanadku markuu ahaa 1964-kii.

Doorashada Baarlamaankii 1-aad ,waxay ka dhacday Dhulka Soomaaliyeed 30-kii bishii Maarso, 1964-kii, Doorashadaasi waxay ahayd tii ugu horaysay abid ee laga sameeyaa Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib midowgii Gobolada Waqooyi oo uu gumeysanayay Boqortooyada Midowday ee UK iyo Gobolada Koonfureed oo uu gumeysanayay Talyaaniga 1960-kii waxaana doorashadaasi ku guuleeystay Xisbigii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, kaasi oo ahaa Xisbigii Dhulka Soomaalida u halgamay, waxaana lagu aas-aasay 13 Dhallinyaro oo iskood isku xilqaamay.

Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Baaralamaanka Soomaaliya waxaa loo doortay Shiikh Mukhtaar, halka Madaxweynihii ugu horreeyayna loo doortay Aaden Cabdulle Cusmaan Aaden Cadde, Raiisul-wasaararana waxaa loo magacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya ee ugu horeeyay Sheekh Muqtaar
Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya ee ugu horeeyay Sheekh Muqtaar
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)
R/wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Cigaal
R/wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Maxamed Xaashi Cigaal
Dhismihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya
Dhismihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya

Doorashada Baarlamaankii 2-aad , oo ahayd tii labaad waxay ka dhacday Soomaaliya 26kii Maarso 1969-kii Waxaana ka qebgalay 64 Xisbiyo siyaasadeen, oo qeyba ka mid ah Xisbiyadaasi waxaa la aas-aasay doorashada inta aaneey dhicin, Natiijooyinka doorashada waxaa ku soo baxay mar kale Xisbigii SYL, iyagoo helay 73, baarlmaankuna waxa uu ka koobnaa 123 Kursi. Wadarta, 27 xisbi ayaa helay, laakiin wax yar uun kadib doorashada, qeybo badan oo ka mid ah xildhibanada Xisbiyada yar yar waxay ku biireen Xisbigii SYL,. markaas SYL Waxay heshay 109 kursi dhamaadkii bishii Maajo. taasina, waxay dhalisay, in ay fursad u helaan SYL kalsoonida 120 ee 123-ka kursi.

Sanadkii 1969-kii ayaa Dalka waxaa qabsaday oo xukunkii oo la wareegay Millitariga, kaasi oo maamulayay muddo 21 sano ah, intaasi ma dhcin doorashooyin xor ah, waxaase la dhoodhoobay waxay ugu yeereen Doorasho, balse waxay ahayd mid aan lagu sheegi karin doorasho, waxayna Murti-maalka Soomaaliyeed ku micneeyeen Nin dooran, doorta xaad u dhahdeen, Dadkana xaad u dambaabiseen.

Bur-burkii Dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1991-kii ilaa iyo 2000, kadib ayaa waxaa la isku dayay bal in la sameeyo Maamulo ku meel gaar ah, ilaa iyo sanadkii 2012-kii, markaasi oo ay Xubnaha Baarlamaanka soo doorteen Odoyaal dhaqameed ka koobnaa 135, Mudanayaashaasi ayaa waxa y soo doorteen Guddoomiyihii Baarlamaankii 9-aad, waxaana noqday Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxaana markaasi laga gudbay Dawladihii KMG ahaa, iyadoo Xasan Shiikh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Dowladdaasi loo ikmaday inay Dalka gaarsiiso doorashooyin Qof iyo hal cod, blasé ma dhicin 4-taasi sano in howlahaasi lagu qabto.

Xukuummaddu waxay ku guuleysatay in la smeeyo doorashooyin la magac baxay Doorashooyin Dadban oo Xildhibaankiiba ay soo dooranyaan 51 Qofood, halka markii hore ay ka aheyd in Odey-dhaqameedku uu kaligii soo magacaabo Xildhibaanka, taasi oo ah mid horey loogu tilaabsaday, waxaana la sameeyay Guddiyo Doortashooyin Dadban ee heer Federaal iyo Maamul-goboleed, kuwaasi oo hagayay qaabka ay u dhacayaan Doorashooyinkaasi, iyadoo ay soo baxeen Xildhibaanno gaaraya 270, kuwaasi oo u doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa, Waxaa kaloo la soo doortay Xubnaha aqalka sare oo tiradoodu tahay 54, waxaase looga fadhiyaa inay doortaan dhammaadka bishan Janaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba waxaa guul ah ku dhowaad Nus Qarni kadib in mar kale Soomaaliya laga unko doorashooyin, qaabkeey doonaan ha ahaadaane, waxaase looga fadhiyaa Xukuumadda hadda soo socotay inay Wadanka gaarsiiso ammaanka iyo kala dambeynta, taasi oo sahleysa in la qabto doorashooyin muddo lagu taamayay ee ah Hal Qof iyo Hal Cod.

W/Q: C/laahi Xuseen Calasow Ruush