AKHRISO WARBIXIN:- Holaca Hantida iyo Haraadka Abaarta

115

Inkastoo qadarta Eebe ay jirto hadana waxaa hubaal ah in Boqaal qof oo Muslimiin ah ayaa tan iyo markii ay bilowdeen Abaaraha baahsan ee ka jira dalka ugu geeryoodeen haraad iyo gaajo degaano iyo dagmooyin kala gedisan oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay bur bureen hanti Malaayiin Dollar ka badan oo ku bur buray dab ka kacay:-

1.Suuq boocle (January 22, 2017),

2. Suuqa Bakaaraha oo markii Labaad gubtay (January 21, 2017, iyo (27, February 2017)

3.Suuqa wayn (February 15, 2016),

4.Suuqa Buula Xubey (September 29, 2016),

5.Suuqa baydhabo .( January 22, 2017)

6.Kaalin Shidaal iyo goobo Ganacsi oo ku yaaala Magalada Boosaaso (December 15, 2016).

inkastoo dadkii ku hanti beelay dabka ay ku jiraan dad muxsiniin ah oo ay dhici karto inay door muhiim ah ay ka qaateen gurmadka Abaaraha, hadana waxaa jira dad intay baqeeylinmo ka gaareen ay diideen inay Hal Dollar ku bad baadiyaan naf Muslim ah iyagoo maanta ay wax badan dhaamin kuwa ku xoola beelay Abaaraha, (waxabadso waxbeel ayaa laga helaa) Musiibada iyo Nabsiga waxa ay saameynayaan bulshada oo dhan hadii aysan ka hortagin.

Fariintan waxaan u dirayaa kuwa Ilaahey uu hantida siisay ee wali aysan musiibada soo gaarin inay maanta ka faa`idaystaan oo ay wax ka bixiyaan waxa uu ilaahey siiyay.

W/D:- Sadaam Mohamed Daahir