Ma aha Xaaskaagu in ay Telfoonkaaga iska baadhato. Wadanka United Arab Emirates ayaa
sharci adag ka soo saaray in Xaasku ay Talefoonka Ninkeeda iska baadhato ama
xogtiisa ogaato wuxuuna noqonayaa, spouse’s privacy under UAE cybercrime laws
oo hadii xaaska lagu dacweeyo ay dembi ku mudan karto. Waxaana arintan bananka
soo dhigay Nin Sacuudi ah oo joogay UAE ayaa Xaaskiisu ka qaaday Talefoonkiisa ka
dibna kala baxaday Sawiro iyo xog muujinaysa in uu xidhiidh Qof kale oo
Dumar ah oo la leeyahay markaas ayuu dacweeyey waxaana Xaaskiisii lagu ganaaxay
aduun gaadhaya 150,000 dirhams una dhiganta ($41,000). Hadhoowba yaan la dhin la iima digin.