HURDADA:­ Wax Badan Ka Barro Faa’idooyinka Hurdada Iyo Waxyaabaha Keeno Dhafarka…

486

1. Hurdadu waxay ka mid tahay
nimcooyinka Alle SWT uu
bini’aadanka siiyay. Waxaad ka
helaysaa nasasho buuxda, waxay
baabi’isaa daalka, kadeedka & carada
2. Xilli hore oo la tooso, xilli hore oo la
seexdo waxaad ka helaysaa caafimaad
& inaad hawl­maalmeedkaaga si
habsami leh u gudato
3. Goortii la gaaro 10:00 pm
habeenimo seexo, Inta badan
go’aanada la gaaro wixi ka dambeeya
10ka habeenimo, waa go’aano khaldan
4. Saynisyahanadu waxay cadeeyeen; Haddii aad soo jeedo 20 saacadood oo xiriir
ah maalin kasta waxay jirkaada ku yeelanaysaa saameyn la mid ah inaad cabtay
laba glass oo wine (khamri) ah. Haddaba iska Jooji dhafarka
5. Aroorti oo hurdada laga tooso waa dhaqan wanaagsan. Saacadaha hore ee subixi
oo la hurdo waa caajis & wahsi, gelinka dambe ee maalinti (galabti) oo la seexdo
waa doqonimo
Psychologists waxay cadeeyeen in waxyaabaha waayadan dambe qofka uu habeenki
ku dhafro oo hurdo u seexan waayo in ay yihiin:
1. Kelinimo
2. Qabow (dhaxan)
3. Kulayl
4. Gaajo
5. Message (qoraal ay cid ku sheekeysanayaan)
6. Nacasnimo
7. Jaceyl iyo Xusuus
8. Welwel & Cabsi
9. Dhufeys qof ku jira oo is ilaalinaya
10. Cibaado
11. Xanuun
12. Xan – War raadis
13. Tuuganimo
14. Internet