Hadaljedinta musharaxiinta gudomiyaha golaha shacabka oo maanta bilaabaneysa

17

Guddida Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen 11-Musharax oo buuxiyay shuruudihii Guddiga ay ku diiwaan gelinayaan Xildhibaanada isku soo taagaya qabashada Afhayeenka Golaha Shacabka.

 

Xubnaha isdiiwaan geliyay oo labo qeybood guddiga u qeybiyeen ayaa maanta iyo Berri kala jeedin doona Khudbadaha ay isleeyihiin kusoo jiita Xildhibaanada si ay Codka ugu helaan.

 

Kulanka guud ee Baarlamaanka oo xalay Mudanayaasha lagu balamiyay ayaa loo diray Fariinta Ajendaha oo ah dhageysiga Hadal jeedinta Musharixiinta.

 

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Musharixiinta ay u kala horeeyaan Hadal Jeedintooda Liiska Magacyada ah ay soo saareen.

Xubnaha Xilkaan isku soo taagay oo gaaraya 11-Xubnood ayaa kala ah:-

1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.

2-Xildhibaan Cali Shiikh Maxamuud Nuur.

3-Xildhibaan Cabdicasii Xasan Maxamed