Israil oo hakisay musaafurinta muhaajiriin african ah

40

Israa’iil ayaa waxa ay sheegtay inay ka laabaneyso qorshe ay dib ugu celineysay muhaajiriin Afrikaan ah oo sifo sharcidarro ah ku galay dalkaasi.

Qoraal ay Israa’iil u dirtay maxkamadda sare, ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka baaraan  qorshooyin ay dib u dejin ikhtiyaari ah ugu sameyneyso qaxootiga Afrikaanka ah balse waxa ay sheegtay in qorshihii sida qasabka ah dib loogu celinayay qaxootigan haatan meesha laga saaray.

Xaalada 30 kun oo qaxooti Afrikaan ah oo kasoo kala jeeda dalalka Eritrea iyo Sudan ayaa noqotay mid si weyn loogu dagaalamay oo la isugu qabsaday.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa waxa uu ku tilmaamay dhammaan qaxootiga Afrika kasoo jeedo inay yihiin jawaasiis, waxa uuna dhawaan isaga baxay heshiis qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo Canada ay dib u dejin ugu sameynayeen 16 kun oo muhaajiriin Afrikaan.

Maxkamadda ugu sareysa Israa’iil ayaa joojisay musaafurinta dadkani oo dhici lahayd Axaddii aanu soo dhaafnay.