Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Warar Dhawaan Lagu Qoray Wakaaladaha Aduunka

29

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa beeniyay warar dhawaan lagu daabacay wakaaladaha aduunka qaasatan mida Reuters.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa shalay soo bandhigtay sawirada Hub ay sheegtay in laga soo qafaashay xerada Gen. Gordan oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 600 oo Qori, laguna iibinayo Suuqyada Muqdisho.

“Laamaha warbaahinta iyo dadka isticmaala Website-yada gaarka loo leeyahay waxay baahinayaan warar aan sal iyo raad midna laheyn, wararka ku saabsan in Hub lagala baxay xerada Gen. Gordan waxan leeyahay wax ka jira ma jiraan, waxaana wada dad ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda.” Ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Mar uu soo hadal qaaday in Muqdisho uu ka furan yahay Suuq Hubka lagu kala iibsado ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Suuqyo Hubka lagu iibiyo balse aanan heysan ogolaanshaha Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, midaasna ay wax badan ka qaban doonaan.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa yiri “Dalalka Afganistan, Ciraaq, Mareykanka ayaa lagu kala gataa Hubka, marka maxaa diidaya Muqdisho oo colaado ay ka jiraan in lagu iibin waayo, waxaan rajeynaynaa in arrintan aan wax ka qabano.

Maalmo kahor ayaa waxaa xerada Gen. Gordan ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Imaaraadka uu Tababaray, intaasi kadib waxaa soo baxayay warar la xiriiray in la qaatay qaar ka mid ah Hubkii yaallay xarunta.

Dhawaan aye aheyd markii uu dagaal ku dhexmaray ciidanka uu tababaray imaaraadka iyo kuwa militariga soomaaliya kadid isku day hub ay kula baxirabeen ciidanka imaaraadka uu ka dhex dhacay xirada Gen. Gordan.