Sergey Lavrov”Marekanka ayaa kala qeybinaayo Seria”

19

Dowladda Ruushka ayaa Waddamada Mareykanka,UK iyo France ku eedeeyay in ay wadaan qorshe lagu kala qeybinayo Dalka Syria.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Ruushka ,Sergey Lavrov oo dhiggiisa Dalalka Iraan iyo Turkiga kula kulmay Magaalada Moscow ayaa sheegay dalalka xulafada Mareykanka ay damacsanyihiin kala qeybinta Dalka Syria.

Waxa ay saddexda wasiir arrima dibadeed ka shireen diyaarinta ajendaha shirka Nabadeynta Syria ee ka furmaya Magaalada Astana ee dalka Kazakhstan.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saarayaa in xal siyaasadeed iyo mid gar gaar bani’adamnimo loo diyaariyo dalka Syria oo ay ka socoto colaad wajiyo badan oo 7 sano jirsatay

 

Mareykanka,Franec iyo UK,ayaa 14kii Bishan weerar ku qaaday Syria,waxaana ay sheegeen in ay bur buriyeen goobaha keydka Hubka Kiimikada ah ee dalka Syria.

Sergey Lavrov,ayaa sheegay in dalalka Turkiga,Iraan iyo Ruushka ay wadaan xal u raadinta mushkiladaha Syria,waxaase uu sheegay in waddamo uu hoggaamiyo Mareykanka ay ka shaqeynayaan bur burinta dadaallada Ruushka iyo xulafadiisa.