Doorashada gudoomiyaha Golaha shacabka oo saacado ka harsan yihiin

31

Sida qorshuhu yahay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka April waxaa la filayaa in ay dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ay u tartamayaan 11-Mudane.

Xubnaha qaar ayaa u kala cad-cad Doorashada inkastoo Codka Xildhibaanada ay ku dooranayaan ay ku kala bixi doonaan.

Musharixiinta ayaa xalay waday kulamo gaar gaar ah oo ay Xildhibaanada la qaadanayeen si ay codka doorashada ugu helaan, waxaana sidoo kale saaka Socda kulamadii ugu dambeeyay ay codka ku raadinayaan.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay raacayaan hab raacii lagu soo doortay Gudoomiyaashii Baarlamaanada Dalka Soo maray.

 

Mudanayaasha iyo Musharixiinta waxa uu ka dalbaday in ay waqtiga Dhowraan oo ay xarunta tagaan 10:00AM (Afar saac oo Barqonimo), si Doorashada aanan waqtigeeda ku dhumin iska daba-wareeg sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha isku soo taagay qabashada Xilka Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa maanta galaya dartankii ugu dambeeyay oo ay ku kala harayaan, waxaana 11-kooda laga doonayaa hal mudane oo kaliya.