Dastuurka galmudug oo maanta lahorgeynayo barlamaanka

43

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo lahadley warbaahinta  ayaa u sheegay in Maanta ay kulan ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

 

Waxa qorshuhu uu yahay in loo qeybiyo Dastuurka dib u eegista ay ku sameeyeen Xubno ka socda Labadii Baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ee halka Magac ku midoobay.

Xildhibaanada ayaa maanta loo qeybinayaa dastuurka si ay usoo aqriyaan, kadibna kolkooda Berri ay u qaadaan Codka ay ku ogolaanayaan ama ay ku diidayaan

 

Sababaha keenay in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Galmudug ayaa ah in Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ay ka kordheen Tirada Dastuurka uu dhigayo, sidaa awgeedna wax ka badal lagu sameeyay qodobada Qaar.

 

Mudanayaasha ayaa loo diray Fariinta Ballaminta kulanka Baarlamaanka Galmudug si loogu qeybo Dastuurka, ayna hortagaan guddii gacanta ku hayay dib u eegistiisa.