Mahdi guuleed oo shaaciye in xukuumada lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) ugu deeqdey khasaaraha fatahaada.

18

kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Mahdi Mohamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).

Mudane Mahdi Mohamed Gulleid Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku”.