Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo raisul-wasaaraha dalka  ayaa xalay gaaray Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka

44

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka,

halkaasi oo uu kaga qayb galaayo Shirka amniga.

Shirka amniga oo maanta furmaya ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

 

Shirkaas oo wadamada Yurub iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ay isugu imaanayaan ayaa dawladda Soomaaliya waxa ay la tagaysaa qorshe ay doonayso in lagu horumariyo ciidamada qalabka sida, si loogu diyaariyo inay ammaanka dalka ku filnaadaan,si loo soo gabangabeeyo hawlgalka Amisom.

 

Shirkan kii ka horeeyay wuxuu ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay shir kale in la isugu yimaado, kaasi oo maanta furmaya.