Liverpool Oo Real Madrid Balan Kaga Samaysatay Finalka Champions League Iyo Roma Oo Jaabisay Rekoodhkii Guuldaro La’aanta Reds Ee Champions League.

16

Liverpool ayaa u soo baxday finalka UEFA Champions League inkasta oo ay guuldaro 4-2 ahi ka soo gaadhay kooxda Roma oo ay marti u ahayd. Liverpool ayaa wadarta labada kulan oo 7-6 ah ku soo dhaaftay Roma oo xili danbe dagaal wayn samaysay inkasta oo qaybtii hore ay Liverpool 2-1 hogaanka ciyaarta ku haysay.

Sadio Mane iyo Wijnaldium ayaa Liverpool u dhaliyay labada gool ee muhiimada khaaska ahu lahaa ee ay marti ahaanta ku dhaliyeen iyada oo sidoo kale gacan wayn ka heshay goolashii shanta ahaa ee ay Anfield guusha kaga sii gaadhay Roma.

 

Rooma ayaa goolasha ay guusha ku gaadhay ku heshay gool uu James Milner iska dhaliyay, laba gool oo midi rekoodhe ahaa oo uu Radja Nainggolan dhaliyay iyo hal gool uu Dzeko u saxiixay Roma waxayna kooxda caasimada Talyaanigu gaadhay guul sharafeed ay nafteeda ku samir siin karto.

Liverpool ayaa doonaysay in ay u soo baxdo finalka UEFA Champions League kadib markii ay kulankii Anfield hore 5-2 ugu soo garaacday kooxda Roma laakiin kooxda martida loo ahaa ee Roma ayaa isku sii diyaarisay in ay samayso soo laabasho kale oo layaableh iyada oo markiiba ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogan oo ay culays ku saartay Liverpool.

Liverpool ayaa iyaduna ciyaarta ku bilaabtay qorshe difaacasho u badan balse marka ay kubbada hesho ay Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah kubbada kula baxsanayeen goolka Roma taas oo kooxda ree Talyaani ka dhigtay mid si buuxda ugu fashilantay qaybtii hore qorshihii ay ciyaarta u soo dhigtay.

 

DAQIIQADII 9 AAD Liverpool ayaa heshay goolka wadno xanuunka wayn ku abuuray Roma kadib markii uu Sadio Mane si qurux badan shabaqa u dhex dhigay kubbad uu Roberto Firmino kaga soo guulaystay Nainggolan oo kubbad liidata bixiyay iyada oo Firmino uu markale kala dhantaalay difaaca Roma, wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Waxa uu ahaa goolkii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan Roma looga dhaliyay garoonkeeda Stadio Olympico ee kulamadii Champions League oo dhan waxa kale oo uu goolkani ahaa goolkii 45 aad ee ay Liverpool ka soo dhalisay Champions League xili ciyaareedkan iyada oo barbaraysay rekoodh ay Barcelona hore ugu dhigtay goolasha hal xili ciyaareed ee Champions League.

Roma ayaa ku qasbanaatay in ay markale barbaraha raadiso iyada oo markii hore uu qorshaheedu ahaa in ay goolal xili hore la timaado waxayna culayska saartay difaaca Liverpool oo mararka qaar si wayn ugu dhitoonayay fursad abuurista Roma.

DAQIIQADII 14 AAD Mohamed Salah ayaa darbo fiican ku bartilmaameedsaday goolka kooxdiisii hore ee Roma laakiin goolhaye Alisson ayaa markan kubbada iska badbaadiyay waxayna ciyaartu noqotay mid xiiso badan oo weerar iyo weerar celis ah.

DAQIIQADII 15 AAD Roma ayaa heshay goolka barbaraha kadib markii uu James Milner si lama filaan ah goolkiisa ugu soo celiyay kubbad uu Lovern iska saarayay waxayna si toos ah kubbada Milner ku dhacay u gashay goolka Reds iyada oo El Shaarawy uu hawda kaga xoog batay Alexander-Arnold waxyna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah balse wali culayska natiijadu saaran yahay Roma.

DAQIIQADII 25 AAD Sadio Mane ayaa u muuqday in uu dhaliyay goolka labaad ee Liverpool laakiin goolhaye Alisson ayaa si cajiib ah xidiga ree Senegal uga beeniyay fursadan si uu kooxdiisa ciyaarta ugu sii hayo laakiin Reds ayaa markiiba sii waday cadaadiska.

DAQIIQADII 25 AAD Liverpool ayaa la timid goolkeeda labaad ee markale wadnaha hoos u gooyay jamaahiirta iyo kooxda Roma kadib markii uu Wijnaldum darbo madax ah ku dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Reds hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Natiijada wadarta labada kulan ayaa noqotay 7-3 ay Liverpool ku raaxaysanayso iyada oo waliba Liverpool iska soo celisay labadii gool ee ay Roma marti ahaanta ku soo dhalisay kulankii Anfield, waxayna Roma markan u muuqatay mid niyadjab wayni soo gaadhay taas oo keentay in Liverpool ay kubbad haynta la wareegtay.

Roma ayaa wax walba samaysay qaybtii hore ee ciyaarta si ay ukeensato goolka labaad ee barbaraha balse Liverpool oo si wayn awooda kubbada u haysatay ayaa awooday in ay qaybtii hore ee ciyaarta lagu nasto 2-1 ay Reds hogaanka ciyaarta.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Roma ayaa soo laabtay iyada oo dhaarsan oo ku socota dardartii ugu xooganayd laakiin sidoo kale Liverpool ayaa muhiimada kowaad ka dhiganaysay in ay natiijada ciyaarta ilaashato oo ay goolal kale ku dhaliso rogaal celis.

DAQIIQADII 52 AAD Roma ayaa la timid goolka labaad ee ay ciyaarta markale ugu soo laabtay waxaana goolkan u saxiixay Dzeko kaas oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad uu Karius iska soo badbaadiyay kadib markii uu El Shaarawy  kubbad xoogan ku garaacay goolhayaha Reds waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah.

Intaa kadib Roma ayaa awoodeeda iskugu gaysay sidii ay ula iman lahayd goolasha laga doonayay si ay ugu soo laabto natiijada labada kulan oo ay Liverpool 7-4 hogaanka ugu haysay, waxayna Roma cadaadis wayn ku haysay goolka Reds oo si xoogan u difaacanaysay.

Roma ayaa markasta ahayd kooxda laga filan karayay goolka saddexaad iyada oo Liverpool lumisay awoodii kubbad haynta iyada oo Reds muhiimada ka dhigatay in ay shabaqeeda waajib wayn iska saarto waxayna Roma luminaysay fursado aad u badan oo ay ku keensan kareen goolasha ay u baahnaayeen.

DAQIIQADII 86 AAD Roma ayaa ugu danbayn keensatay goolkeeda saddexaad ee ay fursadaha badan u soo lumisay waxaana kubbad gantaal ah shabaqa reds ku dhaqaajiyay Radja Nainggolan kaas oo si sahlan ku garaacay Karius kadib markii uu caawin Kolarov waxayna ciyaartu noqotay 3-2 ay Roma hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Laakiin goolka Radja Nainggolan ayaa ka soo daahay waqtigii uu saamaynta ugu wayn yeelan lahaa balse Roma ayaa wali sii waday in ay nafteeda aaminto oo ay raadiso goolasha kale oo looga baahnaa waxayna Reds sidoo kale markan doonaysay in ay waqti yar ee hadhay ciyaarta sii ilaalashato.

DAQIIQADII 94 AAD Roma ayaa iyada oo quusatay heshay rekoodhe kadib markii uu Klavan gacan u ku celiyay wuxuuna markiiba garsooruhu tilmaamay rekoodhe kaas oo uu Radja Nainggolan gool u sarifay waxayna ciyaartu noqotay 4-2 ay Roma hogaanka ku dheeraysatay.

Laakiin waxay ahayd ilbidhiqsiyadii ciyaarta ugu danbeeyay taas oo keentay in ay Roma 4-2 ku garaacday Liverpool balse Reds oo shaqadii ugu waynayd ku soo qabsatay kulankii Anfield ayaa 7-6 ugu soo baxday finalka Champions League.

Roma ayaa jabisay rekoodhkii guuldaro la’aanta Champions League ee ay Liverpool xili ciyaareedkan ku soo jirtay halka Liverpool ay iyaduna soo jabisay in rekoodhkii gool la’aanta ee ay Roma ku haysatay garoonkeeda waxayna Liverpool balan ka samaysatay Real Madrid oo iyaduna xalay Bayern Munich ku reebtay Beernabeu.