Ciidamo Cusub oo Si Buuxda Ula Wareegaayo Amniga Muqdisho

16

Muqdisho Shaaciye24.com Wararka Aanu ka helayno Magaaladda Muqdisho Ayaa Sheegaya in Xukuumdda Soomaaliya ay qorsheysay Sidii amniga magaalada Caasimadda Muqdisho ay ku wareejinayso ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Booliska, Asluubta iyo Milatariga Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay booqday xarumo ay joogeen ciidamadaasi la doonayo inay sugaan amaanka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jen. Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa hadal kooban ka jeediyay Munaasabad lagu soo bandhigayay ciidamada ka kala tirsan Asluubta Booliska iyo waliba Milateriga kuwaasoo la sheegay inay yihiin ciidamo cusub oo ku soo biiray ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, loona diyaariyay sugida amniga Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay dhalinta cusub ee ka mid noqatay ciidanka qalabka sida inay diyaar u yihiin sugida amniga Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna u sheegay ciidamda cusub ee ka mid noqdqay ciidamda qalabka sida ee dowladda Soomaaliya in looga fadhiyo sugida amniga caasimada Muqdisho, isagoo xusay in shacabka Soomaliyeed iyo dowladooda ay dagaal kula jiraan kooxo oo ku sheegay inay yihiin argagixiso.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya maalmahan dilal qorsheysan oo inta badan dhaca xiliyada habeenkii, kuwaasoo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan, isla xalay ayeyna aheyd markii Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay labo askari oo ka kala tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta.