Boqor Buurmadoow oo mar kale maxkamada kamoo muuqanaya

19

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa Racfaan ka qaatay xukun shan Sano oo xabsi ah oo ay dhawaan ku ridday Maxkamadda Magaalada Hargeysa.

Racfaanka uu qaadatay Boqor Buurmadoow ayaa la dhegeysanayaa 8dda Bishan May,sida uu sheegay Madaxa Hay’adda Xuquuqul Insaanka Maamulka Somaliland Guuleed Dalfac oo isaguna ka xaqiijiyay qariinka Boqorka.

Boqor Buurmadoow ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu hadal ka jeediyay degaanka Carmo ee Gobolka Bari halkaas oo lagu caleema saarayay mid ka mid ah Beeldaajiyayaasha degaanka

 

Somaliland ayaa ku eedeysay Buur Madoow in uu ku xadgudbay sheegashada madaxbanaanida Somaliland maaddaama uu baaq u diray Somaliland iyo Puntland isaga oo ugu baaqayay in ay kala qaadaan Ciidamada isku horfadhiya Degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool