Gudiga gurmadka fataahada wabiyadda shabeelle iyo jubba oo ku wajahan baladweyne iyo baar-dheere

28

Wafdi  ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiggii dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Fatahaadda Wabiyadda Shabeelle iyo Jubba ayaa lagu waddaa in ay maanta gaaraan Magaalooyinka Baardheere iyo Baledweyne oo ah meelaha ugu daran u saameye fatahaaada wabiga.

Wafdiga ku wajahan Baledweyne ayaa lagu waddaa in ay halkaasi gaarsiiyaan gargaar hor leh, halka midka ku wajahan Baardheere ay soo qiimeyn doonaan Xaaladda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in horay Milyan Doolar dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.