Sawirro: Axmad Madoobe oo xabsiga ku booqday C/kariim qalbi dhagax oo 10 bilood ka hor dowladda somala u dhiibtay itoobiya

29

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xabsiga uu ku xiranyahay ee magaalada Addis Ababa ku booqdey Cabdikariim muuse Qalbidhagax.

Madaxweyne Axmed ayaa Dowlada Itoobiya kala hadley sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Qalbdidhagax.

Qalbi dhagax oo 10 bilood ka hor dowladda soomalia u gacan galisay Itoobiya ayaa waxaa dhiibistiisa ka dhalatay kacdoon dadweyne iyo hadal heyn badan .

Marka aad eegto muuqaalka qalbi dhagax oo itoobiya ugu gacan jiray 10 bilood ayaa waxaa dareemeysa in nolol wanaagsan uu ku noolaa marka laga yimaado xoriyaddiisa balse waxaa dhawaanahanba soo baxaayay warar sheegaya in qalbi dhagax xoriyaddiisa dib loogu celin doono kadib wada hadal uu kula jiro xukuumadda Addis Ababa.