Xiisad colaadeed oo hor leh ayaa saakay ka taagan deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud

31

Laba maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay duleedka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa maanta wada dhaq dhaqaaq ciidan, taas oo dadka deegaanka ku beertay cabsi xoogan.

Dagaal xoogan oo muddo dheer socday ayaa shalay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Isbitaalka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa la gaarsiiyay 14 ruux oo ku dhaawacantay dagaalkaasi shalay ka dhacay deegaankaasi.

 

Mahad Xasan Maxamed Wasiir Kuxigeenka Amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo Loo diray deegaanada ay ka taagan tahay xiisada colaadeed kuwaas oo kaladhax gali doono maleeshiyadii dagaalantay.