” Ma jiro ciyaaryahan sida Rashford ah, waxa uu noqon doonaa lamajoojiye” Herrera

154

Xidiga Xulka England Marcos Rashford ayaa loo magacaabay xidiga ugu wanaagsanaa bishii lasoo dhaafay horyaalka dalka Ingiriiska ee Primier Leugue.

Xidiga isku kooxda yihiin una dhashay dalka Spain Andre Herrera ayaa amaan kala dul dhacay Marcos Rashford.

Marcos Rashford ayaa ku raxeesanaya qaab ciyaareed wanaagsan kadib ceyrintii Jose Mourinho oo ka doorbidayey weeraryahanka dalka Belguim Romolu Lukaku, waxa uuna soo bandhigaayaa tan iyo waqtigii loo magacaabay tababaraha kooxda Ole Gunner Solskjear.

Andre Herrera ayaa wareesi oo siinayey ESPN ayaa aad u amaanay xidiga waxa uuna yiri” Isaga (Rashford) waa mid duwan, waxa aynu ognahay xiligan waxaa jiro ciyaaryahano cajiib ah oo ka ciyaaro garabha sida Hazard,Sterling,Dembelle iyo Martial. Balse Marcos wa mid ka duwan.

Rashford waa uu shuuudi karaa, waxa uu wajihi karaa hal iyo hal ciyaaryahan, mana lumiyo kubadda”

Waxa qoray: Liibaan Xuseen Axmed