HORDHACA: Kulanka Manchester City Iyo Chelsea, wax walbo ugu baahantahay kaga bogo.

92

Waxaa kulan xiiso leh wada ciyaaraya kooxaha Manchester City iyo Chelsea garoonka Etihad ee ku ciyaarto City ayuuna ka dhacayaa kulanka.

Haddii aan eegno hordhaca kulanka xiisaha leh ee horyaalka Primier Leugeu laga ciyaarayo oo ay is hayaan murqo weeenta uu hor kaco Pep Guardiola ee Manchester City iyo Dhinaca kale ee uu horboodo Tababaraha dalka Talyaaniga u dhashay ee Marizio Sari ee Chelsea.

Wararka labada dhinac haddii aynu eegno.

Pep Guardiola ayaa wajahaya kooxda Chelsea isagoo heesan ciyaarayahanda Bravo iyo Vicent Kompany.

Daafaca danbeedka kaga ciyaara ee u dhashay dalka France ee Bejamin Mendy ayaa shaki la gelinayaa isagoo laga yaabo inuu kaso muuqdo kulanka, waxaana lo badinayaa in kasoo kabsan karo dhawaaca dhanka canqawga.

Pep ayaa kulanka kusoo bilaabaya xidigaha Kevin Debrunye iyo Raheem Strealing sida kualnkii 2-0 ku dhaafeen kooxda Everton.

Dhinaca Chelsea haddii aan eeegno.

Marizo Sari ma ka walwalsana wax dhaawac kulanka uu booqanayo garoonka Etihad Stadium.

Tabaraha dalka Talyaaniga ayaa loo badainayaa in uu kuso geli doono shaxdii uu kaga badiyey Hudderfield 5-0.

Saadaalinta kulanka laga sameeyey ayaa waxa loo badiyey in 2-1 ku badin karto kooxda Manchester City.

Shaxda macquul galka ah ay kusoo geli garaan labada kooxdood waa:

Dhinaca City: Ederson, Laporte,Otamendi,Stones,Walker,Silva,Fernadinho,Debrunye,Sane,Agouro,Sterling.

Dhinaca Chelsea: Arizabalaga,Azpalicuita,Rudiger,Luiz,Alonso,Kante,Jorginho,Barkley,Hazard,willian,Higuin.