Kulamo waa weyn oo maanta ilaa caawa la ciyaarayo City➡Chelsea iyo Real➡Atletico Madrid kaga bogo halkan

168

Waxaa jira maanta ilaa caawa kulamo aad u xiiso badan oo laga ciyaarayaa horyaalada ugu waa weyn qaarada Yurub, kulamaada ugu xiisaha badan ayaa waxa uu dhex marayaa kooxaha Manchester City iyo Chelsea iyo kulanka kale oo ka dhacaya horyaalka Spain ee Derby Madrid Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Haddii aan u ku guda galno hordhaca kulanka City iyo Chelsea.

Waxaa kulan xiiso leh wada ciyaaraya kooxaha Manchester City iyo Chelsea garoonka Etihad ee ku ciyaarto City ayuuna ka dhacayaa kulanka.

Haddii aan eegno hordhaca kulanka xiisaha leh ee horyaalka Primier Leugeu laga ciyaarayo oo ay is hayaan murqo weeenta uu hor kaco Pep Guardiola ee Manchester City iyo Dhinaca kale ee uu horboodo Tababaraha dalka Talyaaniga u dhashay ee Marizio Sari ee Chelsea.

Wararka labada dhinac haddii aynu eegno.

Pep Guardiola ayaa wajahaya kooxda Chelsea isagoo heesan ciyaarayahanda Bravo iyo Vicent Kompany.

Daafaca danbeedka kaga ciyaara ee u dhashay dalka France ee Bejamin Mendy ayaa shaki la gelinayaa isagoo laga yaabo inuu kaso muuqdo kulanka, waxaana lo badinayaa in kasoo kabsan karo dhawaaca dhanka canqawga.

Pep ayaa kulanka kusoo bilaabaya xidigaha Kevin Debrunye iyo Raheem Strealin sida kualnkii 2-0 ku dhaafeen kooxda Everton.

Dhinaca Chelsea haddii aan eeegno.

Marizo Sari ma ka walwalsana wax dhaawac kulanka uu booqanayo garoonka Etihad Stadium.

Tabaraha dalka Talyaaniga ayaa loo badainayaa in uu kuso geli doono shaxdii uu kaga badiyey Hudderfield 5-0.

Saadaalinta kulanka laga sameeyey ayaa waxa loo badiyey in 2-1 ku badin karto kooxda Manchester City.

Shaxda macquul galka ah ay kusoo geli garaan labada kooxdood waa:

Dhinaca City: Ederson, Laporte,Otamendi,Stones,Walker,Silva,Fernadinho,Debrunye,Sane,Agouro,Sterling.

Dhinaca Chelsea: Arizabalaga,Azpalicuita,Rudiger,Luiz,Alonso,Kante,Jorginho,Barkley,Hazard,willian,Higuin.

Haddii aan eegno kulamada kale ee jira sida kooxda Fulham ayaa marti qaadi doonta kooxda Manchester United oo wacdaro wada tan iyo xilka tababarnimo markii uu la wareegay tababare Ole Gunner Solskjear.

Kulankale ayaa waxa uu dhex marayaa kooxda Huddersfield Iyo Arsenal oo kulan xiiso leh wada qaadanayaa ayadoo ay jirto in Arsenal kaalinta lixaad ee hoos ugu soo dhacday.

Sidoo kale kulanka kale oo muhiim ayaa waxa uu dhex marayaa ishana lagu hayaa kooxda Bournmouth iyo Liverpool oo kaalinta labaad horyaalka hoos ugu soo dhacday kadib bareejooyin is xig xigay oo ay gashay fursadaasna waxaa ka faaiideesatay kooxda difaacayaasha horyaalka ee Manchester City.

Atletici Bilbao iyo Barcelona ayaa wada ciyaaraya horyaalka dal Spain ee La Liga.

Barcelona ayaa si qaas ah indhaha ugu heeso kulanka derby Madrid ay wada ciyaarayaan kooxaha Real Madrid iyo Atletuco Madrid.

Horyaalka dalka Talyaaniga kulan xiiso leh ayaa waxa yeelanayaa kooxda Sassulo oo marti qaadeeso hogaanka horyaalka ee Juventus.

Dhanka kel Bundusliga kulanka isha lagu hayo waa Bayern oo la ciyaareso Schalka 04.

Dhinaca kale horyaalka France waxaa kulan xiiso leh qaadanaya kooxda PSG ayaa marti sooreeso kooxda Bordoux.

By Naafac Hussien.