Dowladda Mareykanka oo wajaheysa miisaaniyad la’aan

72

Wada hadalo u dhexeeyay xubnaha Congress-ka ee Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Democrat-diga kuwaas oo la doonayay in  looga baaqsado in mar kale ay fariisato shaqadda heey’adaha Mareeykanka ayaa kusoo dhamaaday heshiis la’aan.

Wada xaajoodeyaashu waxay rijeeynayeen in ay isniinta heshiis gaaraan si ay Jimcaha ugu qabtaan in la meelmariyo Miisaaniyadda Dowladda, hase ahaatee sidaasi ma aysan suura gelin.

Isfahmi-waaga waxaa xudun ah Madaxweyne Donald Trump oo doonaya in uu helo Balaayiin dollar oo uu ku dhiso darbi kala qaybiya Mareeykanka iyo Mexico.

Hakadkii hore ee ku yimid shaqadda Heey’adaha Mareeykanka waxaa uu qaatay 35 maalmood. Hadana mareeykanku waxaa wajahayaa hakad kale hadii aan todobaadkaan heshiis la gaarin.