Isku Dhac u dhaxeya kooxda macawiisleyda iyo dad shacab oo ka taagan Sh/Dhexe

50

Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in dad wata boorar ay ku muujinayaan in ay kaga soo hor jeedaan kooxda la magac baxay macawiisley ay ka taagan tahay degmadaasi.

Maalin ka hor ayay aheyd markii kooxda macawiisleyda ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay duleedka degmada Cadalle.

Sakaakiil ka tirsan macawiisley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xiisadan iyo dadkan boorarka wata ee ka soo horjeeda kooxda macawiisley ay gadaal ka riixayaan dagaalamayaasha shabaab oo iyagu shacabka ku qasbay in ay qaataan boorar ay u soo daabaceen kana dhan ah kooxda macawiisley oo inta badan deeganadaasi kula dagaalama Al-Shabaab.

Ma jiraan Wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshaballe, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan xiisada maanta ka taagan deegaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobalka Shabeelaha dhexe.