Wasiirka gaadiidka Iyo Xubno Kale oo ku wajahan Baraawe.

62

Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawadda  Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa ay ku sii jeedaan degmada Baraawe ee Gobalkaasi.

Wafdiga  wasiirka ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno , wasiiro ka tirsan xukuumadda soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose.

Amaanka magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa degmada Baraawe u tagaya sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada dhabta ee xilligan ka jirta degmadaasi.