Home Wararka Al-Shabaab iyo ciidamada kenya oo ku dagaalamay faxfaxdhuun gedo

Al-Shabaab iyo ciidamada kenya oo ku dagaalamay faxfaxdhuun gedo

99

Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegayaa in maanta uu dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Gedo Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya weerar qaraxyo ku bilaawday ay Al-Shabaab kula beegsadeen wadada xiriirisa deegaanada Faxfax dhuun iyo Girileey ee Gobolka Gedo.

Dad ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab kaas oo geystay khasaaro labada dhinac ah.

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkas ay ku dileen Saddex ka mid ah Askarta Kenya,sidoo kalena ay gubeey mid ka mid ah Gaadiidka ciidamada Kenya.