Al-shabaab oo Shaqaalo samafal ka afduubtay garbahaarey

74

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay  shaqaalo ku Afduubteen.

Dad deegaanka Garbahaarey ayaa ku soo waramaya in Al-shabaab shaqaalaha ay Afduubteen ay u shaqeynayeen Hay’ad Samafal oo ka howlgasha deegaanadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Shaqaalaha Hay’adda xiliga la Afduubanaayay ay ku sugnaayeen Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo,halkaasi ay u joogeen howlo shaqo

Ilaa iyo hada lama oga Al-shabaab halka ay la aadeen Shaqaalaha ka tirsanaa Hay’adda  Samafal ee Maanta ka Afduubteen Garbahaarey.