Ciidanka Jubbaland oo dhibaateyay shacab iyo suxufiyiin

68

Ciidamada amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta boqolaal qof oo shacab ah u diiday in ay soo dhaweeyeen Xildhibaan Cabdi rashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya .

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa la tilmaamay in ay jir dil u geysteen dadka shacabka ee ku howlanaa soo dhaweynta Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig ayaa la sheegay inuu ka mid yahay musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Ciidamada amaanka ee Jubbaland ayaa la sheegay in wariyaal badan ay maanta qalabka ay ku shaqeeyaan ka qaatay, islamarkaana jijibiyay, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Xalay ayay aheyd markii Golaha amniga Maamulka Jubbaland ay soo saareen awaamiir ku aadan dhanka amniga, kaasi oo loogu digay musharixiinta inaysan hub la soo geli Karin Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo ka fiijigan in falal amni daro ay ka dhacaan Magaaladaasi, inta soo gaarayaan musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.