DOWLADA FEDERAALKA OO DHEXDEEDA ISKU AF-GARAN LA’ CIDII AY U WAKIILAN LEHEYD IN UU HOGAAMIYO WADA HADALADA DOWLADA IYO MAAMULKA SOOMAALILAND?

153

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallo socda oo la doonayo in dib loogu furo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo qodobo ay tahay in marka hore xal loo gaaro.

Dadaalladan ayaa waxaa wada ergeyga Turkiga ee wada-hadallada Olgan Bekar iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo hadda ah agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda xalinta xasaradaha ee Center for Humanitarian Dialogue.

Arrimaha ugu weyn ee hadda la doonayo in la xaliyo ayaa waxaa ka mid ah halka uu kulanka ka dhacayo. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa door-bidaya dalka Sweden.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale rabta in wada-hadallada ay ka dhacaan dalalka deriska la ah Soomaaliya, gara ahaan Jabuuti.

Ka sokow qodobada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale jira in dowladda federaalka ah ay dhexdeeda isku hayso ciddda ay u direyso wada-hadalalda ee matalaysa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa door-bidaya Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan Soomaaliya, iyo aas-aasayaashii ururuka Islaax ee Soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Faroole ayaa la sheegay in haddii dowladda ay xulato ay ka careysiin karto Somaliland, maadaama uu horey u ahaa madaxweynaha maamulka Puntland oo colaad ay kala dhaxeyso Somaliland.