C/raxman Cabdi Shakuur oo Cambaareyay Qaraxyadii iyo Weerarkii hotel maka al-mukarama iyo hilaac uk

150

C/raxmaan cabdi shskuur gudoomiyaha xisbiga wadajir ahna Siyaasiga mucaaradka ah ayaa cambaareyay weerarki lagu qaaday hotelada maka al-mukarama iyo hilaac uk.

C/raxmaan ayaa shabaabka weerayay hotelada ku tilmaamay diin xumo iyo dadnimo xumo ay tahay in shacab soomaaliyeed danyarta ah maalin waliba la laayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:

Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka argagexiso ee dadka rayadka ah iyo hantidooda lagula beegsaday waddada Makka Al-mukaramah. Waa Diin la’aan, damiir la’aan iyo dadnimo xumi in maalin kasta dad rayadka ah la beegsado, hantidoodana la burburiyo. Waa in la helaa cid qaada masuuliyadda xaaladda nabadgelyo xumi ee Muqdisho ka taagan.

Masuuliyiinta hay’adaha amniga haddii aysan waajibkooda gudan karin, madaxda qarankuna aysan karti u lahayn in ay kula xisaabtamaan waxaa habboon in ay is gartaan oo ay iskood u xishoodaan xilkana cid kale oo dhaanta ku wareejiyaan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, ehelladooda iyo saaxibadoodna sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Inta dhawaaca ahna caafimaad degdeg ah Allaha siiyo.