Ciidanka Xoogga oo Soo Badbaadiyay Dad Rayid Ah

141

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ku howlan soo afjarida rag hubeysan oo la sheegay inay ku jiraan Gudaha dhismo ku yaalla agagaarka hotelka Maka-Almukarama ee Magaalda Muqdisho.

Weerar qarax ku bilaawday ayaa xalay rag ka tirsan Al-Shabaab waxa ay ku soo qaadeen dhismayaal ku dhow Hotelada Hilaac Uk iyo Mukarama,hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay dagaalamayaal ka tirsan ka dhex dagaalamayaan Gudaha Hotelka Maka-Almukarama.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa dad rayid ah kasoo badbaadiyey Dhismaha Shideeye ama Dabaqa Carabta oo u dhaw Hilaac UK, halkaas oo sidoo kale ay ku yaallaan Goobo Ganacsi.