Iska Hor Imaad Caawa Ka Dhacay Isgoyska Sanca

255

Wararka Aan ka helayno caawa magaalada muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu halkaas iska hor imaad uu kadhacay.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay isgoyska sanca dhanka degmada shibis, wuxuuna dhexmaray ciidanka booliska oo halkaasi bar kontarool ku leh iyo kuwo militari ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay inuusan khasaare ka dhashay uusan jirin.

Isku dhaca dhexmara ciidanka dowladda ayaa maalmahii dambe kusoo batay caasimada Muqdisho.