Qoyska reer Shidaaye oo ka hadlay dhibtii soo gaartay (Dhageyso)

196

Mid kamid ah qoyska Reer Shideeye oo lahaa guriga Al Shabaab ay galeen markii ay weerareen Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi.

Abuukar Shideeye oo kamid ah qoyska ayaa sheegay in isaga uu dhaawac kasoo gaaray weerarka gaar ahaan rasaas kaga dhacday qeybaha dambe ee jirkiisa, wuxuuna sheegay in hadda xaaladiisa ay wanaagsan tahay.Sidoo kale Abuukar ayaa sheegay in qoyskooda shan kamid ah ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen islamarkaana mid kamid ah uu qabo dhaawac daran, balse afarta kale ay dhawacyo aan cusleyn ay qabaan.

Abuukar Shideeye, wuxuu sheegay in qaraxa koowaad markii uu dhacay uu isku dayay inuu qeybta kore ee gurigooda uu fuulo si uu xaalada u qiimeeyo, basle ay mar kaliya ay usoo galeen ciidamada hubeysan ee ka tirsanaa Al Shabaab

Wuxuu tilmaamay in markii Al Shabaab ay gudaha guriga galeen inuu hal qol ku xiray dhamaan caruurta, balse labo kamid ah ay dhaawacyo gaareen.

Dhismaha guriga ay deganaayeen ayaa gabi ahaanba burbur kadib markii ciidamadii ka dagaalamayay la sheegay inay qaraxyo ku xir xireen kadibna uu qarxay markii ugu dambeysay.