Gudoomiyaha degmada boondheere oo cabasho u dirtay maamulka G/banaadir

139

Guddoomiyaha Maamulka degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye ayaa sheegtay in Shacabka degmada Boondheere ay dhibaatooyin kala duwan ku qabaan mid ka mid ah Wadooyinka ugu  muhiimsan Magalada Muqdisho.

Iyada oo Saxaafada kula hadashay Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in Wadada Janeraal Daa’uud oo ka mid ah Wadooyinka ugu waaweyn degmadaasay tahay mid burbursan oo aan la isticmaali karin.

Waxa ay sheegtay in qeyb ka mid ah wadadaas ay noqotay mid Maqaayadaha ay qashnka kusoo daadiyaan,waxaana Maamulka gobolka Banaadir ay ka codsatay in dayactir lagu sameeyo.