Meydka wiil 8 jir ah oo laga helay wabiga Mara Xawaadley

88

Meydka wiil 8 jir ah oo loo maleynaayo in uu dilay aabihiis ayaa laga helay wabiga mara deegaanka xawaadley ee gobolka sh dhexe isagoo gacmaha iyo lugaha ka xiran.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayan in dilka wiilka 8 jirka ah looga shakisanyahay aabihiis oo kamid ah koox diimeedka loo yaqaan takfiirka.

Wiilka 8 jirka ah ayaa la diley kadib markii uu cunto ka soo cunay guri ay tacsi ka jirto oo ay ku geeriyootay ayaydiis oo xoolo lagu qalay taasi oo la sheegay in aabihii uu ka carooday cuntadaas uu tacsiyada ka soo cunay wiilkiisa.

Dad ka careysan dilka wiilka yar ayaa rabshado dhigay iyadoo la sheegaayo in ay gubeen masjid ay takfiirka ku leeyihiin deegaanka, Odayga dilka looga shakisanyahay ayaa baxsaday ciidamada ammaanka ayaana ku daba jira