Home Wararka Dagaal ka dhacay sool

Dagaal ka dhacay sool

106

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Ciidamada Millateriga Soomaaliland oo marayay deegaan lagu Magacaabo Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood ay wadada u galeen Ciidamada la Magac baxay Jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Korneel Faysal Falaalug.

Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka  gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu socday mudo ku dhow saacad, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya goobtii lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,islamarkaana ciidamada Millateriga Soomaaliland ay sii wateen socdaalkoodii.