DEG DEG: Rasaas xooggan oo laga maqlaayo Muqdisho iyo Banaanbax hadda ka socda….

293

Rabshado xooggan iyo isku dhacyo ayaa hadda waxa ay ka socdaan isgooyska sanca ee Magaalada Muqdisho.

Isku dhacyada iyo rabshada ayaa timid ka gadaal markii ciidamo ka tirsan dowladda ay wiil mooto bajaajle ah hadda ku dileen Sanca.

Sidoo kale waxaa ciidanku dhaawaceen laba ruux oo iyana la sheegay in ay mooto bajaaj wateen.

Ciidanka falkaan geestay ayaa la sheegay in ay yihiin ciidanka minashiibiyada loo yaqaan oo saakay koontarool ay gaadiidka ku xaqiijnayan taargedooda iyo canshuuraha ka sameystay isgooyska sanca.

Rasaas ayaa hadda dhaceysa shacab careysanna waxa ay gubayaan taayaro wadaduna waa ay xirantahay.

Ciidamo boolis ah ayaa hadda goobta soo gaaray xaalkuna faraha ayuu ka sii baxaya.