Haweeney ergada ka mid ahayd oo lagu dilay muqdisho.

194

Mid kamid ah ergadii ka qeybgashay doorashada xildhibaanada Baarlamaanka federalka ayaa goordhow  lagu diley degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Baxsan Boolaay ayaa ka mid ahayd  ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkan lagu diley haweeneydan ayaa  sidoo kale waxaa ku dhaawacmay nin dhalinyaro ah oo joogay meel aan ka fogeyn.

Kooxdii ka dambeysay dilkan ayaa goobta ka baxsaday, waxayna wararku sheegayaan in Baxsan  Boolaay oo caan ka ahayd degmada Boondheere ay ku sugneyd  meel aan ka fogeyn guriga ay ka degeneyd degmada Boondheere.

Dilalka ergadii ka qeybgashay doorashadii xildhibaanada dowlada federalka ayaa ku soo badanaya magaalooyinka dalka waxaana dhowaan ka badbaaday haweeney degeneyd degmada Wadajir kadib markii labo dhalinyaro ah oo dooneysay inay dilaan ay bastooladihii ay wateen ay u dhici waayeen.

Hase yeeshee  labada ruux ee doonayay inay dilaan haweeneydaas ayaa  waxaa gacanta ku dhigey ciidamada ammaanka iyagoo haatan sugaya in maxkamad la soo taago.